Wararka ka imaanaya Gobolka Jubada Hoose ayaa ku waramaya in diyaaradaha dowlada Kenya ay duqeyn la beegsadeen Saldhig ay dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Kamjaroon oo 90-KM u jira Magaalada Kismaayo.
Dhowr Gantaal ayaa la xaqiijiyay in lala beegsaday saldhig Shabaab ay leeyihiin deegaankaas, inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn qasaaraha soo gaaray dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ee halkaas ku sugnaa.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in diyaaraha dagaalka Kenya ay duqeeyeen saldhigaas kadib markii ay heleen xog ku aadan in dagaalyahano ka tirsan shabaab ay halkaas isku Aruursanayaan si weeraro ay u fuliyaan.
Ilaa haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowlada Kenya iyo maamulka Xarakada Al-shabaab ee Gobolada Jubooyinka oo loogu hadlaayo duqeynta.

