Ciidamada Ammaanka Magaalada Garoowe Puntland ayaa lagyusoo Waramayaa in Maanta barqadii Ciimada Ammaanka gaar ahaan Kuwa Boolisku ay Xabsiga Magaalada Garoowe U taxaabeen Wariye Jaamca Yuusuf Jaamac oo loo yaqaanno Deparani oo ka mid ah Wariyayaasha ka Howlgala Garoowe gaar ahaan waxaa uu u shaqeeyaa TV-ga Somalichannel oo Garoowe uu ugasoo waramo.
Wariyaha ayaa Xilligii la xirayey Waxaa lagu Waramayaa in uu ku guda jiray howshiisa Caadiga ah islamarkaana Ciidanka Magaalada dhaxdeeda ay ka qabteen xilli uu la socday Wariyayaal kale.
Ciidamada ayaa u kaxeeyey Wariyaha dhinaca Saldhigga Booliska ee Magaalada Garoowe oo la sheegayo inuu ilaa hadda uu ku xiranyahay.
Saraakiisha Ciidamada Ammaanka Maamulka Puntland ee garoowe ee xiray Wariyaha oo Xiriirro kala duwan aan la sameynay ayaa ka gaabsaday in wax faahfaahin ah ay ka bixyaan Xarigga Wariye Jaamac Deparani.
Wariyaha Idaacadda Simba ee Magaalada Garoowe ayaa soo sheegaya in Ciidanku Wariyaha ay kaxaysteen islamarkaana aysan garanaynin Sababta Keentay Xarigga Wariyaha.
Wasaaradda Warfaafinta Maamulka Puntland ayaa horay Waxaa ay Usoo saartay Warqad Shaqada ay uga joojinayso wariye Jaamac oo ay ku eedeysay Wasaaraddu inuu Tabiyo Warar,Warbixinno iyo wareysiyo Wax u dhimaya ammaanka deegaanada Maamulka Puntalnd sida Wasaaraddu hadalka u dhigtay.
Halkaan ka dhageyso Wareysi Ku saabsan Xarigga.

