Siyaasiga Daahir Cabdulqaadir Muuse (Daahir–Ciiro) oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay madaxda Maamulka Puntland in ay dayaceen amaanka Mas’uuliyiinta Maamulkaas, islamarkaana Ciidamada ka howlgala Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ay yihiin kuwa aan tababar fiican laheyn.
Daahir Cabdulqaadir Muuse (Daahir–Ciiro) ayaa tilmaamay in wax laga xumaado ay tahay in Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland lagu dilo Gudaha Magaalada boosaaso maalin cad, iyadoo halka dilalka ay ka dhaceen ay ku sugnaayeen Ciidamada Maamulka oo aan jawaab ka bixinin dhacdooyinkaas.
Magaalada Boosaaso waxaa bishaan gudaheeda lagu dilay xubno kala ahaa taliye kuxigeenka Booliiska Puntland Jamaac Saxardiid, agaasimihii Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Boosaaso Aadan Gaas Haruuse, iyo shalay waxaa lagu dilay Xeer ilaaliyihii Maxkamadda Ciidamada qalabta sida ee Puntland C/kariin Xasan Fardhiye.
Madaxda Maamulka Puntland oo dilalka ka hadlay yaa kusoo koobay hadalkooda In gacanta lagu soo dhigi doono ragii ka dambeeyay dilalka ka dhacay Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

