Madaale:-“Waa Arin Aad Loogu Xumaado in Gobolka Banaadir La Xaqiro Xaqii uu ku Lahaa Aqalka Sare”,+Dhageyso

0

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Shiikh Yuusuf  oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hor yimid go’aanka hogaamiyayaasha Madasha wadatashiga ee ku aadan in maamul Goboleed kasta 3-xubin loogu kordhiyo xubnihiisa aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaliya.

Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcaale  ayaa Hogaamiyayaasha madasha Wadatashiga qaranka ku dhaliilay in ay xaqireen xaqii ay lahaayeen Bulshada Gobolada Banaadir islamarkaana wax laga xumaado ay tahay in maamul Goboleedyada kale  xubno loogu kordhiyo aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaliya.

“Gobolka Banaadir waxaa ku nool Muwaadiniin gaaraya Seddex Million oo dareensan in xaquuqdooda lagu tumanaayo, iyagoo ka banaanbaxay ka dhiidhiyay, balse waxa ay isaga adkeysteen oo ay ku dhul qaateen 54-ta kursi, iyagoo rajeynayay in maalin maalmaha kamid ah ay heli donaan xaquuqdooda, waxaa soo baxay warmutiyaad  ah in 18-kursi lagu kordhiyo aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaliya iyadoo loogu daray Maamul Goboleedyada shanta ah min 3-kursi, iyo Gobolada Woqooyi ee Somali-land, Gobolka Banaadir  waa meeshii loogu gurman jirey Gobolada dalka Soomaliya, waa  halka ay degan tahay Dowladda Dhexe ee Soomaliya, waa Caasimada Muqdisho, waa arin aad loogu xumaado in la xusi waayo Gobolka Banaadir”, ayuu yiri Shiikh Yuusuf Xuseen jimcaale  .

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Shiikh Yuusuf   ayaa sheegay in Bulshada GobolkA banaadir aysan u dulqaadan doonin in la doodsiiyo xaqii ay lahaayeen islamarkaana ay ka dhiidin doonaan wixii xiligaan ka dambeeyay.

Hogaamiyayaasha Madasha Wadatashiga oo Shirkooda kusoo gaba-gabeeyay Magaalada Muqdisho ayaa go’aan ku gaaray in la kordhiyo tirada kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka oo ahayd konton iyo affar (54) lagu kordhiyo sideed iyo toban (18) kursi oo sidaas tirada guud ee kuraasta Aqalka Sare noqoto toddobaatan 72 kursi.

161225_001

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here