Faah-faahin:- Qarax Miino oo Ka Dhacay Gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho

0

Wararka aynu ka halayno Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in Goor dhaw uu halkaa ka dhacay qarax Miino oo sida la sheegay ku qarxay Gaari nooca qooqanta loo yaqaan oo ay wateen Ciidamo ka tirsan Kuwa Dowladda Soomaaliya xilli ay ku sugnaayeen gudaha suuqa bakaaraha gaar ahaan goobta loo yaqaan suuqa Timirta oo ku dhaw Masjidka Dawada.

Goobta uu qaraxu dhacay ayaa waxaa durbaba soo gaaray iskuna gadamay Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya kuwaas oo muddo kooban rasaas ka waday halkaa.

Illaa Hadda Ma jiro wax qasaare ah oo qaraxaasi ka dhshay,balse jugta qaraxa ayaa laga maqlay guud ahaan suuqa Bakaaraha iyo xaafadaha ka ag dhaw.

Mid Ka Mid ah dadka ku ganacsada goobta qaraxu ka dhacay ayaa inoo sheegay in qaraxu uu ahaa mid saarnaa gaariga Ciidanka dowladdu ay wateen.

Maamulka degmada Howlwadaag oo aan xiriir la sameynay ayaa ka gaabsaday ka hadalka qaraxa maanta ka dhacay Suuqa weyn ee Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here