Madaxweynaha jamuuriyada Soomaaliya Mudane xasan sheikh maxamuud oo kusugan dalka isku-taga imaaraatka carabta halkaasi oo uu uga qeyb galayo kulanka looga hadlayo dhaqaalaha ayaa la kulmay qaar katirsan madaxdii kasoo qeyb gashay kulanka.
Mudane Xasan sheikh Maxamuud madaxweynaha jamuuriyada Soomaaliya ayaa la kulmay madaxweynaha dalka Ruwanda Paul Kagame kahor inta uusan kulan gaar ah la qaadan raisul wasaaraha dalka isku taga imaaraatka carabta ahna madaxweyne kuxigeenka dalkaasi Shaikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum, .
kulanka ka dhacay dubai ayaa waxaa ka qeyb galay madaxda afrika waana kulan loogu Hadlaayay hormarinta Ganacsiga afrika iyo sidii Maalgashi loogu sameyn lahaa wadamada africa.
Madaxweynaha soomaaliya Mudane xasan sheikh Maxamuud kulanka uu la yeeshay Paul Kagame waxaa intiisa badan labada madaxweyne ay kawada hadleen hormarinta ganacsiga labada dal iyo xoojinta military ee soomaaliya iyo Rwanda.

