Madasha Wadatashiga oo Magacowday Guddi u Kuurgala Abaaraha Ka Jira Dalka+Dhageyso

0

Hogaamiyayaasha Madasha Wadatashiga Qaran oo Maalmihii dambe kulan ku lahaa Magaalada Muqdisho  ee Caasimada Soomaliya ayaa Magacaabay Guddi wax kasoo ogaada Abaaraha ka jira Gobolada dalka Soomaliya.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo warbaahinta shir ugu qabtay Magaalada Muqdisho kadib kulanka hogaamiyaasha Madasha Wadashiga ayaa sheegay in guddiga uu wax kasoo ogaan doono Abaaraha ka jira Gobolada dalka Soomaliya.

Wasiir Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in Guddiga la Magacaabay uu ka kooban xubno ka Tirsan Dowladda Soomaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka jira islamarkaana ay dhawaan tagi doonaan xarumaha maamul Goboleedyada  dalka iyo goobaha ay saameysay abaarta.

Qaar kamid ah Gobolada dalka Soomaliya waxaa haatan ka jira abaar xoogan oo galaafatay dad iyo duunyo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here