Dalalka Soomaaliya iyo Kuwait ayaa Wada Saxiixday Heshiis lagu Hormarinaayo Warbaahinta Dalka Soomaliya.

0

Wasiirka warfaafinta dowlada soomaaliya maxamed cabdi xayir Maareeye oo kusugan dalka Kuwait ayaa lakulmay Madax katirsan Dowlada Wadanka Kuwait.

Wasiir maxamed  cabdi xayir Mareeye ayaa la kulmay wasiirka  arrimaha dhalinyarada dalkaasi Kuwait sheikh salmaan sabaax Al-salim iyagoona yeeshay kulan arimo badan loogu Hadlay.

Inta uu kulankaasi socday sheikh Salmaan ayaa xaqiijiyey  in dowlada Kuwait ay taageeri doonto wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee dowlada wadanka soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska dowlada soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa uga mahad celiyey dowlada Kuwait taageerada garabka walaltinimo ah ee ay lagarab taagantahay dalka soomaaliya.

Ugu dambeyntii Kulankaasi waxaa kasoo qeyb galay safiirka Soomaaliya u Fadhiya dalka Kuwait sheikh cabdulqaadir amiin.

CUBo6g2UcAAN38mCUBo6g4UkAAKAatCUBo6g2UYAA6pYoCUBo6g4UkAAKAat

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here