Xarunta Gaadiidka Booliska degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir waxaa maanta lagu qabtay munaasabada sanad guuradi 73-aad ee aas aaski Ciidanka booliska Soomaliyeed oo maanta ku beegan.
Munaasabada waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed Maxamed aadan Axmed, Taliyaha Ciidamada booliska Soomaliyeed Sareeye Gaas Maxamed Shiikh Xasan Xaamud, Wasiirka amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed, Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaliyeed Jeneraal C/laahi Gaafow Maxamuud.
Inta aysan Munaasabadda bilaaban Boqolaal ka mid ah ciidamada booliska qeybihiisa kala duwan ayaa soo bandhigay socod gaada ka cayaarid ah iyaga oo kusoo wareegay dhismaha xarunta, sidoo kale kooxda baanbeyda ayaa garaacday muusikada Calanka Soomaliyeed.
Ugu horeyntii Taliyaha Ciidamada booliska Soomaliyeed Sareeye Maxamed Shiikh Xasan Xaamud oo munaasabada ka hadlayay ayaa sheegay in taliska booliska Soomaliyeed uu ka shaqeeyay sidii loo hormarin lahaa qeybaha kala duwan ee Ciidamada Booliska Soomaliyeed islamarkaana ay wali ku howlan yihiin hormarinta Ciidamada.
Sidoo kale Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaliya Mudane C/risaaq Cumar Maxamed oo ka hadlayay Munaasabadda ayaa sheegay in dowladda Soomaliya ay hormar ka gaartay dhinacyada Ciidamada.
Ugu dambeyntii Madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo Munaasabadda soo xirey ayaa kaga Mahadceliyay Taliska Ciidamada Booliska Soomaliyeed hormarka iyo dib usoo celinta sharaftii Ciidamada.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ugu mahadceliyay wadamada dariska sida ay ugu qeyb qaateen dib usoo celinta Ciidamada Booliska Soomaliyeed oo ay ka caawiyeen in ay siiyaan Tababaro kala duwan.

