Saddex Qof oo Soomaali ah oo Lagu Dhaawacay Magaalada Zurich ee Dalka Switzerland

0

Ciidamada Booliiska Switzerland ayaa sheegay in toogasho ay ka dhacday meel u dhow xarunta tareenada ee magaalada Zurich taasoo ay ku dhaawacmeen 3 qof oo la’rumeysan yahay in ay soomaali yihiin.

Saddexdan qof ee dhacdadan ku dhaawacmay ayaa la’ogaaday in ay kamid ahaayeen  soomaalida halkaasi dagana kuwaa oo lagu kala qiyaasay Da’dooda 30,35 iyo 55 jir.

Goobjooge halkaa ku sugnaa ayaa sheegay in ninkan uu watay dhar madoow isla markaana uu ka baxsaday goobta falkan uu ka dhacay.

Waxaana meesha ay toogasho ka dhacday aheyd xarun soomaalida iyo Eratirian-ka  ay u badanyihiin oo tareenada laga raaco taa oo salaada ay ku tukudaan muslimiinta.

Afhayeen u hadlay booliska Zurich ayaa xaqiijiyay in ay toogasho  dhacday  laakiinse ninkan falka gaystay uu wali baxsad ku maqan yahay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here