Faallo:-“MADAXDA DOWLADDU MAQSUUD BAY KA TAHAY GUMAADKA AMISOM EE SHACABKA”.

0

Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya waxay dalka soo galeen dabayaaqada sannadkii 2007 waxaa dalka ay u yimaadeen wax loogu yeeray nabad ilaalin waxaana dalka ka arimineysay xilligii ay imaanayeen soomaaliya Ciidamadan dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa C/laahi Yuusuf Axmed.

Ujeedka Ciidamada AMISOM loo keenay soomaaliya ayaa ahayd nabad ilaalin muddo markii ay joogeenna waxaa la siiyey ogolaansho ah inay wax weerarikaraan oo awal inay is difaacaan ayey ku ekeyd howshoodu markii lasoo weeraro.

Ciidamada AMISOM oo sida muuqata aaminay inaysan jirin cid kala xisaabtanta dhibaatada iyo xad gudub walba oo ay u geysanayaan shacabka Soomaaliyeed ee dalkooda ay ugu yimaadeen ayaa bilaabay tacaddiyo ka dhan ah dadka Soomaaliyeed,waxaa dhacda in ciidanku si bareer ah dhibaato muuqata iyo mid aan muuqamba ay ugu geysteen dad maati ah oo duruufo adag oo dalka ka jira la daalaa dhacaya waxna aan galabsan islamarkaana aan ku lug lahayn siyaasadaha dalka ka jira.

Waxyaabaha la xusi karo ee ka baxsan bini aadamnimada iyo xasuuqa aan kala saarka lahayn ee ay Ciidamada AMISOM ka geysteen Soomaaliya mudadii ay joogeen maahan wax hal qormo lagusoo Koobi karo,Waa dhacdooyin is daba joog ah oo mid walba murugadeeda iyo mahadhadeeda aan la hilmaameynin,oo uusan u dilqaadankarin qof damiir dadnimo uu ku jiro.

AMISOM waxaa Soomaaliya ay ka geysatay falal isugu jira Kufsi ay kula kaceen hooyooyin Soomaaliyeed oo qaarkood korsanaya caruur ku agoon toomay gacanta Ciidamada AMISOM  Xasuuq  wadareed ay ka geysteen meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya iyagoon dadka kala soocin,gaadiidkooda dagaalka oo aan waddooyinka ugu socon si masuuliyad leh ayaa si ula kac ah dharaar cad waxay ku jiirsiiyaan dad ay ku jiraan Caruur,Waayeel iyo dad curyaan ah oo aan awoodin inay socdaan oo ay Ka wareegaan waddada masuuliyad xumada ay ku marayaaan gaadiidka qafilan ee Ciidamada AMISOM.

Inta ay dalka joogaan Ciidanka dalku waxaa uu yeelanayaa dowladdii afaraad intaasna madaxda Soomaalidu way daawanayeen dhibaatada ay geysanayaan Ciidamadan shisheeye oo dadka qaar waxay leeyihijn MADAXDA DOWLADDU MAQSUUD BAY KA TAHAY GUMAADKA AMISOM EE SHACABKA taasi oo ah mid sax ah markaad aragto sida ay uga aamusanyihiin madaxda Soomaalidu xad gudub walba oo ay u geystaan shacabka soomaaliyeed AMISOM-tu,taa badalkeedana markii ay dhacdo in iyaga dhib soo gaaro cidda ugu horreysa ee cambaareysa ay tahay kuwii shacabka dartoood u dhaartay waliba kusii darsoo iyadoo isbitaalada ay buuxaan dad ay dhibaateeyeen Ciidamada AMISOM ayey madaxdeennu askar aan badneyn oo laga waxyeeleeyey tacsidood diyaarado u raacaan.

Xadgudubyada la xusi karo oo ay Ka badanyihiin kuwa aan la arag ee ay geystaan Ciidanka AMISOM ayaa waxaa ka mid ah Markii ay dalka yimaadeen dhacdadii ugu xanuunka badneyd oo ahayd in Askari ka tirsan uu uyreeyey gabar dan yar ah oo uu uga faaideystay marxalad adag oo xagga qoyska ah oo haysatay gabadhaas xilligaas,Maalin walba gaadiidka qafilan ee Ciidamada AMISOM waxay gaadiidkooda si ula kac ah ay u jiirsiiyaan dad shacab ah mararka qaar jooga guryahooda,xilli walba waa u joogto AMISOM xasuuqa dadka taagta daran.

Midda mahadhada reebtay ayaase ah in markii ay dhibka geystaan aysan eegin xad gudub ka ay geystaan,dhacdooyinka naxdinta leh ee ay geystaan sidoo kale waxaa ka mid ah in Ciidamada Ethiopia ee qaybta ka ah AMISOM ay ku xasuuqeen ku dhawaad 20 ruux oo ahaa dad joogay goob tacsi deegaanka Awdiinle ee Gobolka baay,sidoo kale dad aan Xisaab lahayn ayey ku dhibaateysay AMISOM gobolada dalka iyo magaalada caasimadda ah ee muqdisho inta dhimatay maahane kuwa kale oo waxaa jira illaaa hadda dhibane la ah xadgudubka loo geystay kuwaas oo waayey xubnahoodii muhiimka ahaa islamarkaana naafoobay .

Walina ma jirto askari ka tirsan AMISOM oo loo ciqaabay ama lagala xisaabtamay xasuuqa shacabka Soomaaliyeed ay ku hayaan,xisaabtan iska daaye waxayba sii kordhiyaan dhibaateynta danyarta dhacdadii ugu dambeysay ee ay geystaanna waxay ahayd haweeneey 80 jir oo gaari maalin cad ay ku dardarsiiyeen wada gasha garonka diyaradaha ee Muqdisho,sidaa si shalay waxaa ay sameeyeen dhacdooyin argagax leh oo ay ka geysteen gobolka Sh.hoose waxaana ay kala ahaayeen in xilli habeen ah ay gaari dad shacab ah ay saarnaayeen ciidanka AMISOM ay madfac ku dhufteen halkaasi oo ay ku geeriyoodeen guud ahaan ddkii gaariga saarnaa oo ka kooban lix qof,isla gobolka Sh.hoose waxaa gaadiid ay leeyihiin Ciidanka AMISOM ay ku dardareen hooyo Soomaaliyeed iyo afar wiil oo ay dhashay kadib markii ciidanka falkaas geystay qarax miino lagu weeraray.

Waxaas oo Xadgudub ah oo ay geysteen AMISOM iyo kuwa intaa ka badan oo aan la ogeyn ayaa si isdaba joog ah uga dhaca maalin walba gudaha Soomaaliya,lalama xisaabtamo dambiilayaasha falalkaasi si ku talagal ah u geysta,waxaana ciidanka AMISOM ay ku caanbaxeen dafiridda dhibaatooyinka ay shacabka u geystaan.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa ah dulmanayaal dhibane u ah Ciidanka AMISOM oo aysan jirin cid ka xisaabisa dhibaatada loo geysto,Madaxdoodina waa uga raalli waxa lagu hayo sida muuqata,oraahda ugu dambeysa ee gunaanadka faaladan ayaa ah MADAXDA DOWLADDU MAQSUUD BAY KA YIHIIN GUMAADKA AMISOM EE SHACABKA.

WQ: Wariye Maxamed Cabdi Xasan(Iidle)

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here