Madaxweynaha Puntland oo Muqdisho Kula Kulmay ku-simaha Danjiraha Imaaraadka U Fadhiya Soomaaliya+Sawirro

0

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hawlo shaqo u jooga Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa maanta 19 December 2016 kulan kula qaatay Magaalada Muqdisho  ku simaha danjiraha Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay xarunta safaarada  Imaaraadka ee Muqdisho ayaa waxaa lagaga wada hadlay wanaajinta xidhiidhka ka dhexeeyey  Imaaraadka iyo  puntland, sii amba qaadida mashariicaha horumarineed ee Imaaraadku ka fuliyo  Puntland, arrimo la xiriira amaanka iyo sidoo kale  abaaraha baaxadalleh ee ka jira Puntland.

Ugu horayn, Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kala hadlay ku simaha Safiirka Imaaraadka sidii loo dardar gelinlahaa xiriir ka dhexeeyeya Imaaradka iyo Puntland, sidoo kale waxa uu uga warbixi madaxweynuhu safiirka abaaraha baaxadaleh ee ka jira Puntland iyo sidii ay  Imaaraaadku gacan uga gaysan lahaayeen gurmadka loo fidinaayo dadka abaaru saameeyeen ee reer Puntland.

Dhinaca kale ku xigeenka safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya ahna ku simaha safiirka ayaa dhankiisa tilmaamay in ay diyaar u yihiin horumarinta iyo xoojinta xiriiraka labada dhinac, ku simaha safiirka Imaaraadka ayaa waxa uu  sidoo kale sheegay inay gacan ka gaysan doonaan abaarta baaxadale ee ka jira Puntland.

Ugu danbayn, Madaxweynaha  Puntland Dr, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markasta ku hawlan horumarinta danaha shacabka iyo sidii ay beesha caalamku gacan uga geysan lahaayeen wax walba oo horumar u ah Puntland, isla markaana waxa uu madaxweynuhu diyaariyey qorshe ay  Puntland shacabkeeda kaga taageerayso abaaraha baaxadale ee ka jira dalka iyo sidii ay gurmad joogto ah ugu fidin lahayd dadka abaaruhu sameeyeen ee reer Puntland.

img_9533 img_9534 img_9535 img_9539 img_9541 img_9542 img_9545

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here