Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya waxaa maanta dib ugu bilaabanaysa doorashada Xubnaha aqalka Hoose ee ka imaanaya Gobolada Woqooyi ee Maamulka Soomali-land oo dhawaan hakad la galiyay.
Kulan Guddiga Federaalka ee doorashooyinka dadban iyo Guddiga doorashooyinka xubnaha ka soo jeeda Somaliland shalay gelinkii dambe ku yeesheen magaalada Muqdisho ayay uga hadleen sidii dib loogu bilaabi lahaa doorashada Aqalka Hoose ee Gobolada Waqooyi.
Sidoo kale Guddiga Federaalka iyo Hirgalinta doorashooyinka dadban ayaa baabi’iyay Labo Xubin oo Jimcihii lagu doortay Magaalada Muqdisho, sababaha guddiga u baabi’iyay ayuu ku sheegay In aysan goobta doorashada joojin wariyeyaasha iyo koor-joogayaasha caalamiga ah ee doorashada Soomaliya.



