War Deg Deg:- Nin Odey ahaa oo Iibinayay Sigaar iyo Loows oo Caawa La Dilay

0

Wararka ka imaanaya Degmada Yaaqshid ee Gobolka banaadir ayaa ku waramaya in rag Hubeysan ay Gudaha degmadas ku dileen Nin Odey ahaa oo lahaa goob Ganacsi.

Ala Ha U Naxariistee Axmed Xuseen oo Gudaha degmada Yaaqshid gaar ahaan Xaafada jeeri-garoob ku lahaa goob yar oo lagu iibiyo Sigaar iyo Loows ayaa lagu weeraray goobtiisa, waxaana raga hubeysan ee dilka fuliyay u suurta gashay in ay goobta ka baxsadaan.

Dilka kadib waxaa goobta gaaray Ciidamo ka Tirsan Kuwa Dowladda Soomaliya oo halkaas ka sameeyay Howlgal.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here