Faah-faahin: Dagaal U Dhaxeeyay Ciidamada Puntland iyo Daacish oo Ka Dhacay Degmada Qandala

0

Wararka ka imaanaya degmada Qandala ee Gobolka Bari ayaa ku waramaya in dagaal xoogan In uu maanta ka dhacay  buuraha koonfureed ee degmadaas.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu u dhaxeeyay Ciidamada Maamulka Puntland iyo kuwa Daacish-ta Soomaliya waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan sida ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulkaas.

Dagaalka ayaa bilowday sida wararka ay sheegayaan  kadib markii Ciidamada Maamulka Puntland ay weerar gaadmo ahaa ay ku qaadeen saldhig ay ku sugnaayeen Ciidamada Daacish oo ku yaala buuraha koonfureed ee degmada Qandala ee Gobolka Bari.

Guddoomiyaha Gobolka Bari ee Maamulka Puntland Mudane Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) ayaa xaqiijiyay in dagaalka uu dhacay, isla markaana aanay ogeyn khasaaraha labada dhinac soo kala gaaray, Xaalada ayaa ah mid degan, waxaana labada dhinac la sheegay inay ciidamadooda isku hor fadhiyaan buuraleyda ku dhow deegaanka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here