Mungaab:-“Xaqii G/Banaadir uu Ku Lahaa Aqalka Sare Waxaa Ka Hor Yimid Madaxda Dowladda”,

0

Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Banaadir Jeneraal Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab)  haatana ah Wasiiru dowle ka tirsan Xukuumadda  ayaa sheegay In uu waday xiligii uu gudoomiyaha ahaa qorshe uu Maamulka Gobolka Banaadir  ku yeelan lahaa maamul lasoo doortay, balse ay arintaas ka hor yimaadeen qaar kamid ah madaxda dowladda Federaalka Soomaliya.

Jeneraal Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sidoo kale sheegay in qaar kamid ah musharixiinta haatan xilka Madaxweynaha Soomaliya u taagan ay Gobolka Banaadir ka hor istaageen xaqiii uu ku lahaa xubnaha aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaliya isagoo taasi badalkeeda ku baaqay in lagu cadaadiyo sanaadiiqda codeynta.

“Madax ayaa naf ka dayday oo runtii mooday inay hadeertaan xuquuqdii Banaadir oo la gafsiiyo wax lagu helo, laakiin waxaan u malaynaa kuwaas in lagu ciqaabi doono sanaadiiqda codaynta”ayuu yiri Muungaab.

Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Banaadir Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) iyo Madaxweynaha Soomaliya ayaa saaxiibo ku ahaa siyaaadda Soomaliya, basle kala arakti duwanaansho ayaa soo kala dhex gashay kadib markii Xasan Shiikh uu xilka ka qaaday Mungaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here