Ciidamo ka Tirsan Ahlusuna oo ku Dhaawacmay Shil Gaari oo Ka Dhacay Gobolka Galgaduud

0

Sida ay Idaacadda Simba u xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan Maamulka Gobolada Dhexe ee ahlu sunna ku dhawaad 8-askari oo katirsan Ciidamada Maamulkaasi ayaa ku dhaawacmay kadib markii gaari ciidan oo ay wateen uu ku rogmaday inta u dhaxeysa Degmada Dhuusa Mareeb iyo Deegaan Mirig oo ku dhaw degmadaasi.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale Idaacadda Simba u xaqiijiyey in Ciidamada Dhaawacway ay ka tageen Degmada Dhuusa Mareeb balse wadaha gaariga uu xakameyn waayey sidaana ay ku soora gashay in gaariga uu wadada ka baxo.

Ciidamada dhaawaca uu soo gaaray ayaa dib loogu celiyey Degmada Dhuusa Mareeb iyadoona wararka qaar ay sheegayaan in loo qaaday isbitaal Ciidamada ahlu sunna ay si gaar ah ugu daweystaan ciidamadooda oo ku yeel Degmada Guriceel.

Dhaawacyada qaar ayaa la sheegayaa in uu yahay kuwo halis ah maadaama la sheegayo in dhowr meel ay ka jajabeen ciidamadaasi.

Waxaana lagu soo waramayaa in gaariga rogmaday uu saarnaa sarkaal katirsan Maamulka Gobolada Dhexe inkastoo aysan noo suura galin magaciisa.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here