Ciidamada amaanka maamulka Puntland ayaa maanta Howlgal ka sameeyay Xaafadaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka bari, iyadoo howlgalka lagu soo qabtay dad lagu tuhmaayo in ay qeyb ka yihiin falalka amnidaro.
Guddoomiyaha gobolka Bari ee Maamulka Puntland Mudane Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) ayaa sheegay in dadka la qabtay ay ka badan yihiin 120 qof, wuxuu sheegay in hawlgalku uusan hakad gali doonin, kaasi oo uu sheegay in kor loogu qaadayo amniga magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.
Waxa uu sidoo kale sheegay Guddoomiyaha gobolka Bari ee Maamulka Puntland Mudane Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) in baaritaano lagu sameyn doono dadka gacanta lagu soo dhigay islamarkaana cidii dambi lagu waayo lasii deyn doono.
Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka bari, dhawaan lagu toogtay Taliye ku-xigeenkii Labaad ee Ciidamada Booliska Maamulka Puntland Ala Ha u Naxariisteen Jaamac Saxardiid wuxuu mamaulka Sheegay in gacanta lagu soo dhigi doono shaqsiyaadkii ka dambeeyay dilka.

