Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ee dowladda Soomaliya ayaa ku eedeeyay Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM in aysan Garab ku siinin dagaalkii xooganaa ee ka dhacay Degmada Mahadey ee Gobolkaas.
Gudoomiyaha Degmada Mahadey Axmed Xuseen Afrax oo la hadlay idaacadda Simba ee Magalada Muqdisho ayaa sheegay In Ciidamada dowladda Federaalka Soomaliya ay iska caabiyeen weerarka shabaab ay ku qaadeen Degmada Mahadey ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, isagoona Ciidamada Amisom ku eedeeyay in aysan ku garab siinin dagaalka islamarkaana ay isku difaacaan xiryahooda Ciidan.
Dagaalyahano ka Tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa xalay saqdii dhexe weerar qorshaysan ku qaaday Xarumo ay Ciidamada Dowladda Federaaalka Soomaliya ay ku leeyihiin Degmada Mahadey ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

