Wafdi ka Socda Midowga Yurub oo Maanta kusoo Wajahan Magaalada Muqdisho

0

Waxaa Maanta Lagu in Magaalada Muqdisho ee caasimada soomaliya  ay soo gaaraan Wafdi ka socda midowga Yurub kuwasoo Madaxda dowlada soomaliya kala Hadli doona Muranka dhanka darbiga kala dhaxeeya dowlada wadanka Kenya.

Wafdiga ka socda midowga Yurub ayaa sidoo kale Magaalada Muqdisho kula Kulmi doona gudiga isku dhafka ah oo maanta dib ugu soo laaban doona Magaalada muqdisho ee caasimada soomaliya kuwasoo shalay gaaray xuduudka u dhaxeeya soomaliya iyo wadanka Kenya.

Wali waxaa Taagan qilaafka u dhaxeeya dowlada soomaliya iyo Kenya oo ku aadan darbiga ay dowlada Kenya ay sheegtay in ay ka dhisi doonto xuduudka u dhaxeeya soomaliya iyo Kenya kadib markii ay sii kordheen weerarada al-shabaab ay ku qaadaan Gudaha wadanka  Kenya,

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here