keating Oo Kulan la qaatay Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka

0

Kulan xasaasi ah ayaa waxaa xaley uu ka dahcay magaalada muqdisho iyadoona kulanka uu u dahxeeyay wakiilo ka socday beesha caalamka iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorahsooyinka Dalka.

Dadka kulanka ku sugnaa waxa kamid ah Wakiilka QM u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire  Michael keating.

Michael keating  ayaa waxa uu kala hadlay Guddiga Xalinta Khilaafaadka arrimo quseeyo doorashooyinka soomaaliya gar ahan  11 kursi ee dhawaan ay baarlamaanka ka reebeen Xalinta Khilaafaadka.

Keating ayaa Xalinta Khilaafaadka u sheegay in cabashooyinka laga soo gudbiyay loga baahan yahay in ay xaliyaan isagoona sidoo kale kula dardaarmay in aysan doorashada sabab u noqon dib u dhac ku yimaad.

Dhamaan Guddiyada Doorahsooyinka Maamul Goboleedyada ayaa si cad ugu soo horjeestay Kuraasti dhawaan ay laaleen Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorahsooyinka.

Waxan weli si faafaahsan loga war hen go’aanada ay isku wada raaceen wakiilada ka socday beesha caalamka iyo Xubnaha Mataleyay  Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here