Madaxweynaha soomaliya Mudane xasan shiikh Maxamuud oo ku sugan Magaalada Dubia ee isu –taga imaaraadka carabta ayaa sheegay in xarakada al-shabaab iyo ururka daacish in ay isku mid ka Yihiin xasuuqa umadaha caalamka.
Xasan sheikh Maxamuud oo wareysi siiyay wargeysa kasoo baxa dalka Marekanka ayaa Tilmaamay in al-shabaab iyo daacish in ay isku mowqif ka Yihiin sidii wadamada caalamanka ee nabada ka jirto sidii colaad loogu badali lahaa kadib weerarkii Magaalada Paris ee dalka France.
Madaxweyne Xasan Shii Maxamuud ayaa sidoo kale ka Hadlay wararka ku aadan in al-shabaab iyo daacish ay isku biiri doonaan waxa uuna madaxweynaha hadalkaas ku Tilmaamay mid aan waxba soo kordhin doonin hadii ay isku biiraan al-shabaab iyo daacish.
Ugu dambeyntii Madaxweynaha soomaliya Mudane xasan sheikh Maxamuud ayaa ugu baaqay wadamada caalamka in hal meel ay kaga soo wada jeestaan la dagaalanka al-shabaab iyo kooxda daacish ee ka dagaalanta wadamada ciraaq iyo Syria.

