Gudigii isku dhafka ahaa ee shalay gaaray degmada Balad-xaawo ee Gobolka gedo ayaa maanta Lagu wada in ay dib ugu soo laabtaan Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya.
Xubnahaan isku dhafka ah ayaa ka koobnaa xukuumada Soomaliya iyo baarlamanka soomaliya waxayna degmada balad-xaawo ay u tageen in ay wax kasoo ogaadaan muranka dhanka iyo Darbiga ka dhaxeeya dowladaha soomaliya iyo Kenya madaama dowlada Kenya ay dhawaan sheegtay in ay darbi ka dhisi doonto xuduudka u dhaxeeya soomaliya iyo Kenya.
Gudiga isku dhafka waxaa Hogaaminaayay wasiirka Gaashaandhiga dowlada soomaliya Jeneraal C/qaadir sheikh cali diini waxaana kamid ahaa xubno ka Tirsan Baarlamanka soomaliya iyo xukuumada Soomaliya,
Guddiga marka ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho waxa ay xildhibaanada Baarlamanka soomaliya kaga warbixin doonaan waxii ay kusoo arkeen xuduudka u dhaxeeya soomaliya iyo Kenya.

