Shirkadda Safaricom oo Ka Warbixisay Qasaarihii Ka Dhashay Weerarkii Lagu Qaaday

0

Iyadoo maalinimadii shalay aheyd ciidamo katirsan Xarakada Al-shabab ay weerar ku qaadeen dhismaha xarunta Safaricom ay ku laheyd deegaanka Ceel-waaq ee maagalada Mandera ayaa waxaa faahfaahin ka bixiyay maamulka shirkadan qasaarihii ka dhashay weerarkii lagu qaaday.

“Waa waqti kale oo Al shabaab ay ku burburinayaan ilaha dhaqaale ay laheyd shirkad bixisa adeeg-yada moobeelada ee safaricom ” sida uu warbaahinta u sheegay sargaal sare oo ka tirsan Shirkada Safaricom.

Maamulka shirkada safaricom ayaa faahfaahin dheeraad ah  ka bixiyay burburka ay Xarakada Al shabaab u geysteen weerarkii lagu soo qaaday habeenimadii talaado ay soo  galaysay ee 13 December.

Gudoomiyaha shirkada isgaarsiinta safaricom Bob Collymore oo macaamiisha  kula hadalay deegaanka meru oo dhaca bariga Kenya ayaa sheegay in dhowr jeer oo hore Tawarada Shirkadda Safaricom ay ku lehayd qeybo ka mid ah Mandera, Garissa iyo Degmooyin kale oo dhaca xuduudka Kenya iyo Somalia in ay burbur u geysteen isla markaana  ay wadaan qaabkii ay ugu soo kaban la’haayeen weerarkii dhibaatada u keenay laanta ay ku lahaayeen deegaanka Ceel-waaq.

“Waxaa ku baxaya qiimo aad u badan iyo qatar heer sare ah maxaa yeelay dib u soo celinta mobile-dii qadka uu ka lumay waxaa lagu qarash gareynayaa $250,000 oo u dhiganta shilinka lacagta kenyan  (Ksh25 Milllion), marka uu qalabka burburo waa qasaaro xoogaan waxaana lumaya xiriirkii gudaha taasina waa dhibaato weyn” sidaasi waxaa yiri Collaymore.

Safaricom ayaa bilowday xawilaada lacagta ee dunida oo idil sanadkii 2007-dii iyada oo sii balaarisay adeegyadeeda xawilaada in ka badan 23 milllion oo ah macaamiisheeda waxaana ay soo kordhisay adeeg ku aadan lacagta VISAHA in  aad ku bixiso mobile-kaada horaanta bishii September.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here