Axmed Abul Qeyd oo ah Xog hayihii hore ee Ururka Jaamacadda Carabta ahna wakiilka sida gaar ah ay usoo Magacaawdeen la socoshada arimaha doorashada Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Tunis ee Caasimadda dalka Tunisia.
Axmed Abul Qeyd ayaa ka kici timay magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar si uu Tunisa ugu qeyb galo Shir u dhaxeeyo labadaan Wadan oo ay Soomaaliya kamid tahay si diiradda Loogu saaro arimo ay kamid tahay Doorashada Soomaaliya.
Shirkaasi oo ay ka qeyb galayaashiisu u badan yihiin Wasiirada Waxbarashada ee Dowladaha xubnaha ka ah Jaamacadda Carab si ay kaga hadlaan arimaha Waxbarasho ee Wadamo ay kamid tahay Soomaaliya.
Axmed Abul Qeyd oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Qaahira kahor inta uusan ka amba bixin Magaaladaasi ayaa waxa uu sheegay in Shir gaar ah oo looga hadlayo arimaha Soomaaliya uu ka qeyb galayo.
waxa uuna intaasi kusii daray in marka uu dhamaado Shirkaasi uu u socdaali doono Soomaaliya.
Waxa uuna xusay wadamada ka qeyb galaya shirkaasi isagoona sheegay in ay kamid yihiin: Masar, Tunisia, Urdun, Imaaraatka Carabta, Bahrain, Al-Jeeriya, Jabuuti, Sacuudi Carabiya, Sudan, Somalia, Iraq, Saltalada Cuman, Falastiin, Qatar, Marocco, Kuwait, Libya, Jamhuuriyadda Comoros, Murutaniya iyo Yemen.
Kulankaani ayaa socon doono hal maalin sida uu sheegay Axmed Abul Qeyd u qaabilsanaha Jaamacadda Carabta arimaha doorashada Soomaaliya.
Ugu dambeyn Axmed Abul Qeyd ayaa maal-maha soo socda kusoo wajahan Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya si uu kaga mid noqdo madax kor joogto ah oo ka qeyb galeysa Doorashada gudoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweynaha Soomaaliya.

