Shabaab oo Weerar Gaadmo ahaa Ku Dilay Gudoomiye Ku-xigeenka Ddegmada Qoryooley+Dhageyso

0

Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ee Dowladda Soomaliya ayaa xaqiijiyay in dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ay  weerar gaadmo ahaa ay ku dileen Gudoomiye ku-xigeenka degmada Qoryooley.

Gudoomiye ku-xigeenka Gobolka Shabeelaha Hoose Cumar Maxamuud Cilmi(Carabey) oo goordhaweyd la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dagaalyahanada shabaab-ka ay dileen Ala Ha u Naxariistee Cumar Nuune oo ahaa Gudoomiye ku-xigeenkii degmada Qoryooley.

Warar lagu baahiyay baraha Xarakada Al-shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ay weerar gaadmo ahaa ay dileen Gudoomiye ku-xigeenka degmada Qoryooley Cumar Nuune.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here