
waxaana ku dhintay 29 qofood halka 166 oo kale ay ku dhaawacmeen sida ay sheegayaan saraakiisha dowlada.
Qaraxyadan ayaa la rumeysan yahay in ay aheeyeen ismiidaamin lala beegsaday saraakiisha police-ka.
Dadka halkaasi ka ag dhawaa ayaa sheegay in ay maqleen rasaas xoogan kadib markii uu qaraxa dhacay oo ay ka soo baxeen garoon lagu ciyaaro baskitboll-ka degmada Besiktas ee dalka turkey-ga.
Dalka turkiga ayaa bilihii dambe wajahayay qaraxyo xoogan oo ka dhacayay magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi.
10 qof ayaa la xeray kadib qaraxan qaasaraha xoogan geestay walina majirto cid sheegatay mas’uuliyada weerarkan laakin inta badan waxaa la aaminsanayahay in maleeshiyaadka kurdida iyo kooxda ISIS in ay fuliyaan weerarada ka dhaca gudaha dalka turkiga.









