Qoraal laga soo saaray xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaliya islamarkaana uu ku saxiixnaa wakiilka gaarka ee qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaliya Denjire Micheal Keating ayaa loogaga hadlay arrimaha doorashooyinka iyadoo loogu baaqay Madasha Wadatashiga Qaran inay gacan ku siiyaan Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashada dadban si ay waajibaadkooda u gudan lahaayeen.
Ugu horeyntii qoraalka kasoo baxay xafiiska qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaliya ayaa lagu soo dhoweeyay qaabka doorashada dadban ay u dhacday illaa iyo hadda iyo weliba oggolaanshaha beesha caalamka loo oggolaaday inay goobjoog ka noqdaan shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee 7-8 December ka dhacay magaalada Muqdisho iyo martiqaadka kulanka kale ee lagu ballansan yahay 13ka bishan.
Sidoo kale qoraalka kasoo baxay qaramada Midoobay ayaa waxaa laga dareemayaa si ay ugu walaacsan yihiin wada shaqeyn la’aanta ka dhaxeysa Madasha wadatshiga qaran iyo Guddiga xalinta Khilaafaadka doorashooyinka dadban.

