Dagaalyahano Ka Tirsan Al-shabaab oo Lagu Qabtay Dagaal Ka Dhacay Gobolka Jubada Hoose

0

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya iyo Kuwa Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Afrika Amisom ee Soomaliya ayaa howlgal qorshaysan waxa ay ka fuliyeen deegaan ku yaalla dhinaca waqooyi galbeed ee magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose.

AMISOM ayaa sheegtay in weerarkaasi ay ku bartilmaameedsadeen goobo ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Xarakada  Al-Shabaab, iyadoo lagu qabtay todobo ka tirsan Shabaab, islamarkaana lagu burburiyey goob lagu sameeyo waxyaabaha qarxa sida ay sheegtay AMISOM.

Sidoo kale Taliska AMISOM ee Soomaliya waxa uu  ku daabacay Barta twitter-ka inay la wareegeen hub isugu jira rasaas iyo hub kaleba ay lahaayeen dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab, islamarkaana ay ka carareen kadib weerar xoogan oo kaga yimid Ciidamada huwanta ah.

Dhanka kale war kasoo baxay taliska Xarakada Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Ciidamada shabaab-ka ay iska caabiyeen weerar kaga yimid Ciidamada Dowladda Soomaliya, kuwa Kenya, iyo Ciidamo Mareykan ah islamarkaana ay haatan ku sugan yihiin goobihii lagu dagaalamay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here