Maxamed Abuukar Mursal oo kamid ah saraakiisha ciidamada Maamulka koonfurgalbeed islamarkaana xiligaan ka howlgalaya deegaanka goofgaduud ayaa idaacadda simba u xaqiijiyay in 7 ka tirsan dagaalyahanada al shabaab ay meydadkooda yaalaan gudaha deegaanka.
Taliyaha ayaa sheegay in meydadka ay yihiin rag ka tirsan al shabaab oo lagu dilay dagaal culus oo shaley ka dhacay deegaanka goofgaduud ee gobolka bay.
Sarkaalkaan lagu magacaabo Maxamed Abuukar Mursal ayaa waxa uu tilmaamay in al shabaab ay isaga carareen meydadka ragan balse waxa uu sheegay in doogi doonaan saacadaha soo socda.

