Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay Tirada Xildhibaanada Aqalka Hoose ee La Doortay

0

Gudooomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban Abuukaate Cumar Maxamuud Cabdule (Cumar Dhagey) oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay ilaa haatan tirada Xildhibaanada Aqalka Hoose  ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ee lagu doortay Caasimadaha Dowlad Goboleedyada dalka ka jira.

Abukaate Cumar Dhagey, Gudooomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ayaa tilmaamay in Guddiga doorashooyinka loosoo gudbiyay  liiska Xildhibaano gaaraya 204-mudane oo Aqalka hoose ah, welina ay socdaan Doorashooyinka.

Mar uu ka hadlayay doorashada aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayuu sheegay in haatan lasoo gudbiyay tiro ahaan 43-mudane oo la doortay kuwaasi oo lagu doortay magaalooyinka Jowhar,kismaayo, Cadaado, iyo Baydhabo.

Waxa uu sheegay Gudooomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban Abuukaate Cumar Maxamuud Cabdule (Cumar Dhagey) in guddiga uu sugayo in lasoo gudbiyo Xubnaha Aqalka Sare ee Gobolada Woqooyi ee Somali-land.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here