Xildhibaankii 32-aad ee Lagu Doortay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud

0

Magaalada Cadaado ee Caasimada KMG ee Maamulka Galmudug waxaa goordhaweyd lagu doortay kursi kamid ahaa  kuraastii mudooyinkii dambe uu muran ka taagnaa.

Mudane Cali Axmed Shariif ayaa ku soo baxay Doorashada Xubnaha Aqalka hoose Baarlamanka Soomaliya ee ka socota Magaalada Cadaado kadib markii uu helay 49-cod, waxa uu ka guuleystay Mudane  C/risaaq Maxamed Axmed oo ahaa musharixii uu la tarmayayay inkastoo uu tanasulay sida ay wararka sheegayaan.

Cali Yare oo ka soo jeeda Beesha Shiikhaal Loobage Caagane ayaa ku soo baxay Kursigaan Aqalka hoose, balse muddooyinkii dambe muran adag ayaa ka taagnaa, waxaana Xildhibaankii 32-aad ee lagu doortay Magaalada Cadaado ee Caasimada KMG ee Maamulka Galmudug.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here