Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya waxaa maanta oo Taariikhda ay ku beegan tahay 07/12/2016 ka furmi doona shirka Madasha wadatashiga qaran oo ay isugu imaanayaan madaxda dowladda Federaalka Soomaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka ka jira.
Shirkaan oo noqonaya kii ugu dambeeyay ayaa waxaa loogu hadlayaa caqabado hor taagan doorashada Soomaaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka, tabashooyinka Maamulka Puntland oo dhawaan ku dhawaaqay in uu joojiyay doorashadii aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaliya.
Shirkaan oo uu shir guddoominayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa ka qeybgalaya Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka, Mudane Maxamed Cumar Carteh iyo madaxda dowlad goboleedyada Koonfuur Galbeed, Puntland, Galmudug iyo Jubbaland, inkastoo Madaxweynaha Puntland uusan dalka joogin balse waxaa Magaalada Muqdisho ku sugan Madaxweyne ku-xigeenkiisa.

