Javier Tebas “ Waxaan Doonayaa in aan Horyaalka Spain ku arko xidigaha Rooney & De Gea

0

Madaxweynaha Laliga dalka Spain Javier Tebas ayaa riyadiisa waxa ay Tahay in weeraryahanka kooxda Manchester United Wayne Rooney iyo Goolhayaha kooxda Manchester United David de Gea in ay ka ciyaaraan Horyaalka dalka Spain.

Horyaalka dalka Spain waxaa ka ciyaaro xidigo waa weyn sida Lionel Messi , Cristiano Ronaldo , Neymar, Luis Suarez iyo xidiga reer Wales ee Gareth Bale kuwaasi oo lacago badan ku fadhiyo xiligaan.

Madaxweyne Tebas ayaa Rumeysan in Horyaalka dalka Spain lagu arki doono labada shaqsi ee kala ah Rooney iyo De Gea si ay ugula soo biiraan kooxda Real Madrid xidigaha Ronaldo iyo Bale

Sidoo kale Horyaalka dalka Spain waa sanado kal hor lala xiriirinaayay laacibka kooxda Beyer Munich iyo xulka dalka France Franck Ribery oo wali dhaawacyo garoomada kaga Maqan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here