Kulankii ay wada ciyaari lahaayeen xulalka Spain iyo Belgium ayaa la baajiyay cabsi laga qabo weeraro mar kale ka dhaca garoomada xulalka kadib weerarkii Magaalada Paris ee dalka France.
120-qof ayaa ku dhimatay weerar lagu qaaday caasimada dalka France ee Paris intii ay socotay ciyaartii u dhaxeysay xulalka Germany iyo France.
War kasoo baxay xiriirka dalka Belgium-ka ayaa lagu sheegay in kulankii saaxibtinimo ee u dhaxeeyay xulalka Spain iyo Belgium-ka in la baajiyay cabsi laga qabo weeraro kale in ay ka dhacaan Garoomada xulalka.

