Mid Kamid Ahaa Ergooyinkii Doortay Xildhibaan C/laahi Goodax Barre oo La Dilay

0

Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya balse u diiwaan gashan Shirkad lagu magacaabo Sahal oo ka shaqeysa Garoonka Diyaaradaha aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa dil bareer ah u geystay mid kamid ahaa Ergooyinkii soo doortay Xildhibaan C/laahi Goodax Barre.

Alaha Ha U Naxariistee C/qaadir C/laahi Cali oo kamid ahaa Ergooyinkii doortay Xildhibaan C/laahi Goodax Barre ayaa la dilay xili muran xoogan uu soo kala dhexgalay askariga ka tirsan Ciidamadda Dowladda Soomaliya.

Askariga iyo mas’uulka  la dilay ayaa la sheegay in ay isku qilafeen baaritaan lagu sameyn lahaa boorso uu watay shaqsiga  oo ka biya diiday in boorsadiisa baaritaan lagu sameeyo taasina waxa ay keentay in xabad uu huwiyo askariga ka tirsan Ciidamada dowladda Federaalka Soomaliya.

Ciidamada amaanka Dowladda Soomaliya oo goobta gaaray ayaa durbadiiba gacanta ku dhigay askariga dilka geystay iyagoo xabsiga u tabaxaay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here