Maamulka ahlusuna ee Gobolada dhexe ayaa ka Hadlay shirarka hiigsiga 2016-ka oo inta badan ka Furmay magaalooyinka Gobolada dalka soomaliya ayagoona ku Tilmaamay shirarkaas kuwa aan waxba soo kordhin doonin.
Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka ahlusuna Cabdullaahi Xirsi Diirshe Prof Daacad oo ku sugan Magaalada dhuuso Mareeb ee Gobolka Galgaduud oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa ku Tilmaamay shirarka loogu Hadlaayo hiigsiga 2016-ka kuwa lacago lagu soo qaatay dadka ka qeyb Galayana loogu Talagalay lacago Yar.
Dhanka kale Cabdullaahi Xirsi Diirshe Prof Daacad ayaa beeniyay in shir dib u heshiisiin uu Magalada Addis Ababa ee dalka Ethopia ugu Furmay Madaxweynaha Maamulka Gobolada dhexe e ahlusuna sheikh axmed shaakir cali xasan iyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin xuseen Guuleed.
Hadalka kasoo yeeray Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka ahlusuna Cabdullaahi Xirsi Diirshe Prof Daacad ayaa kusoo beegmaya xili inta badan Gobolada dalka soomaliya ay ku Furmeen shirarka loogu Hadlaayo Barnaamijka hiigsiga 2016-ka.

