Mareykanka oo Dowladda Kenya Ku Wareejiyay Diyaarado Lagula Dagaalamo Al-shabaab

0

Dowladda Mareykanka ayaa maanta oo Jimco ah gacanta u galisay dowladda Kenya 6-diyaar oo kuwa helicopters-ka ah oo qeyb ka ah sideed diyaaradood  oo loo balan qaaday in kenya la siin doono.

Diyaaraha loo yaqaano Bell Huey II helicopters oo  gaaraya ilaa lix xabo oo qiimahooda lagu qiyaaso $106 million  ayaa maanta lagu wareejiyay  Ciidamada difaaca cirka ee dowladda Kenya waxaa goobta wareejinta ku sugnaa Xoghayaha difaaca xukuumadda Kenya,Haweeneyda lagu Magacaabo, Samson Mwathethe iyo safiirka dowladda Mareykanka u fadhiya Kenya Robert Godec.

“Dowladda Mareykanka waxa ay garab taagan tahay dowladda Kenya si loo xoojiyo daganaanshaha guud ahaan Kenya iyo bariga qaarada afrika” ayuu yiri Safiirka dowladda Mareykanka u fadhiya Kenya Robert Godec.

Dhanka kale Xoghayaha difaaca xukuumadda Kenya,Haweeneyda lagu Magacaabo, Samson Mwathethe ayaa iyana sheegtay in diyaaradahaan ay ka caawin doonaan Ciidamada difaaca Kenya in ay ka guuleystaaan dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jiro.

Diyaaradaha maanta lagu wareejiyay Dowladda Keny ayaa qeyb ka ah heshiis horey u dhexmaray dowladdaha Kenya iyo Mareykanka oo ku aadanaa in Kenya loogu deeqo Diyaarado dagaal si ay cirka ugula dagaalamaan dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here