Puntland oo Raali Galin Ka Bixisay Suldaan Loo Xiray Falal Argagaxiso+Dhageyso

0

Maamulka Gobolka Bari ee Puntland ayaa been abuur ku tilmaamay wararka ku aadan in Ciidamada amaanka Magaaladaas ay u xireen mid kamid ah Salaadiinta Puntland arrimo la xiriira in uu taageerayay kooxda Daacish-ta Soomaliya.

Gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) oo shir jaraaid ku qabtay Magaalada Garoowe ayaa raali gelin buuxda ka bixiyay xarig loo gaystay Suldaan Yuusuf Axmed Saalax oo kamid ah salaadiinta gobolka Bari, kaasoo dhawaan loo xiray inuu dhaqaalo u aruurinayay kooxda Daacish-ta Soomaliya ee dagaalka kula jirta Puntland .

Gudoomiye Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) ayaa been abuur ku tilmaamay eedeymaha lagu xiray Suldaanka, wuxuuna qiray in hay’addaha amniga loosoo gudbiyay warbixin qaldan oo ku saabsan in Suldaanku uu argigixisada ku taageeray lacago loo aruuriyay in lagu horumariyo waxbarashada  deegaano hoos yimaaada gobolka Bari.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here