Hantidhowraha Qaranka Soomaliya Dr. Nuur Jimcaale Faarax oo maanta shir jaraaid ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa shircidaro ku tilmaamay Ceymiska laga qaado Gaadiidka Gobolka Banaadir isagoo digniino u direy Shirkaddo howlahaas faraha kula jira.
Dr. Nuur Jimcaale Faarax Hantidhowraha Qaranka Soomaliya ayaa sheegay in Xafiiska Hantidhowraha qaranka Soomaliyeed aan lagu soo wargalinin in dalka ay ka jiraan shirkaddo ceymiska sameeyo oo gaadiidka ka qaado lacago ceymis ah, isagoo hadalkiisa ku daray in talaabo Sharciga waafaqsan laga qaadi doono cidii ay ku cadaado arintaas.
“Dhowrkii maalin aynu soo dhaafnay Xafiiska Hantidhowraha qaranka Soomaliya waxa soo gaarayay cabashooyin kaga imaanayay gaadiidka Gobolka Banaadir oo ku aadan in shirkaddo ceymiska ka shaqeeya oo aan diiwaan galsaneen ay lacago sharcidaro ah ay ka qaadaan gaadiidleyda Gobolka Banaadir, waxaan ka digayaa in aan la iska horkeenin shacabka iyo dowladda, aan la abuurin shaqaado, islamarkaana aan la baalmarin sharuucda dalka”, ayuu yiri Hantidhowraha Qaranka Soomaliya.
Dhanka kale Gudoomiyaha Takaaful Insurance Maxamed Cabdi Maxamed oo la hadlay idaacadda Simba ayaa beeniyay in Ceymis xoog ah ay ka qaadaan gaadiidleyda Gobolka Banaadir.

