Madaxweyne Axmed Madoobe oo dib Ugu Soo Laabtay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose

0

Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Maamulka Juba-land ayaa maanta dib ugu soo Laabtay magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada-Hoose

Wafdiga Madaxweynaha Maamulka Juba-land Axmed Maxamed Islaam axmed Madoobe waxaa Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay xubno uu kamid ah ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Juba-land C/qaadir Xaaji Max’ed Luga dheere iyo xubo kale oo ka Tirsan Maamulka Juba-land iyo saraakiil ciidan.

Intuu ku sugnaa Axmed Madoobe Magaalada Nairboi waxa uu kula Kulmay Madax ka socotay beesha caalamka isagoona kala Hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya Maamulka Juba-land iyo ka gacan siinta dagaal lala Galo xarakada al-shabaab oo wali ku sugan qeybo kamid ah Gobolada Jubooyinka iyo Gedo

Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Juba-land axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa isla Maanta ka qeyb Galay shir loogu Hadlaayo Barnaamijka hiigsiga sanadka 2016-ka oo maanta ka furmay Magaalada Kismaayo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here