Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ka Furmay shirka loogu Hadlaayo Barnaamijka Hiigsiga sanadka 2016- ee dhanka iyo doorashooyinka
Shirka ka Furmay Magaalada Muqdisho waxaa Furay Gudoomiyaha Gobolada Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf xuseen Jimcaale (Madaale) waxaana ka qeyb ka Galay Madax ka socotay dowlada soomaliya iyo ergooyinka ka socday Maamulada Hiiraan iyo shabeelaha dhexe.
Injineer C/raxmaan Cusmaan Yariisow oo Horey xilal kaga soo qabtay dowladihii dalka soo maray ahna mid kamid ah qaban-qaabiyaasha shirka Hiigsiga 2016-ka ee Maanta ka Furmay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in shirka uu mumiimad gaar ah u leeyahay dhamaan dadka daga Gobolada Hiiraan, Banaadir, iyo shabeelaha dhexe.
Waxa uu sidoo kale Tilmaamay Injineer Yariisow in shirkaan dhamaan dadka daga Gobolada Hiiraan Banaadir, iyo shabeelaha dhexe Fursad loo siin doono ka Hadlida sidey u arkaan qaabkey Noqon doonto doorashada sanadka 2016-ka ka dhacaysa dalka soomaliya
Shirka Maanta ka Furmay Magaalada Muqdisho ayaa socon doono Mudo labo cisho ah waxaana diirada inta badan lagu saari doonaa ka Hadlida arimaha doorashooyinka sanadka sanadka 2016-ka
Dhamaan Maamulada dalka ka Jira sida Galmudug, Puntland, Koonfur Galbeed soomaliya waxaa ka Furmay shirarka loogu Hadlaayo Barnaamijka Hiigsiga 2016-ka.

