Maamulka Gobalka Mudug ee Galmudug ayaa Sheegay inay dhaqan gali waayey Heshiiskii Xabad joojinta ahaa Gaalkacyo kuwa gaareen Hogaamiyaasha Galmudug iyo Puntland Dhawaan ka gaareen Dagaal in mudo ah ka socday Magaaladaasi.
Gudoomiye ku-xigeenka Gobalka Mudug Cabdi Xuseen ayaa tilmaamay Haba yaraatee aysan jirin Wax ka dhaqan galay Heshiiskii Xabad joojinta asagoona Maamulka Puntland ku eedeeyay inay jabiyeey Qodobkii ugu muhiimsanaa Wan-wanta Gaalkacyo oo ahaa in la kala qaado Ciidamada in horfadhiya xiligaan.
Cabdi Xuseen ayaa intaa hadalkiisa ku daray Ciidamada Maamulka Puntland ay wali Xabad ka wadaana Galbeedka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug islamarkaan ay fariisimo ka sameysteen Gobihii laga qaaday Ciidamada Maamulka Galmudug.

