Ciidamada Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed iyo Kuwa AMISOM ayaa xalay howlgal qorshaysan waxa ay ka fuliyeen Xaafado kamid ah degmooyinka Gobolka Banaaadir.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga gudaha Mudane Cabdikaamil Macalin Shukri oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay Ciidamada howlgalka sameeyay in ay isugu jireen Nabad-sugidda, Booliska iyo militariga oo ay wehliyaan ciidanka Midowga Afrika AMISOM, waxuuna howlgalka laga sameeyay xaafado katirsan degmooyinka Yaaqshiid, Huriwaa iyo qeybo ka mid ah Dayniile, oo mudooyinkii dambe ay ka dhaceen falal amnidaro.
Sidoo kale Afhayeenka Wasaaradda Amniga gudaha Mudane Cabdikaamil Macalin Shukri ayaa tilmaamay in ujeedka HowlgalkA uu ahaa sidii loo xaqiijin lahaa amniga Degmooyinka Gobolka Banaadir ka hor doorashada dhacaysa, iyo sidii loogu hortagi lahaa falalka amni daro ay geysteen dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.

