Ciidamada Uganda oo Musharaadkooda Heli Doona Muddo 10-bilood Kadib

0

Dawlada Uganda ayaa sheegtay in ciidamadeeda Somalia jooga markii ugu horaysay ay heli doonaan mushaarkooda muddo 10-bilood ah.

Hogaanka ciidamada difaaca ee dalka Uganda Gen Edward Katumba Wamala in ciidamada Uganda ee ka midka ah hawlgalka AMISOM ee Somalia in lacagta guna ah oo aysan in mudo ah qaadan ay heli doonaan bisha January ee 2017-ka waxaana uu sheegay in uu socday qorshe hadda lacagtaas loogu soo wereejinayo dawlada Uganda.

“Waxa aan helnay xog laxiriirta in lacagtaas oo gaaraysa 4.9million oo dollar lagu soo wereejiyay Bankiga dawlada Uganda, waxa uu intaas ku daray in ay tahay musharaadka ciidamda Uganda ee Somalia ku sugan intii u dhaxaysay bilihii January illaa iyo September ee sanadkaan 2016”, ayuu yiri Gen Edward Katumba Wamala.

Gen Wamala Hogaanka ciidamada difaaca ee dalka Uganda ayaa sheegay in dib u dhaca lacagta ay tahay mid ka baxsan awooda dawlada Uganda,inkastoo uu sheegay in Midowga Yurub iyo dawladiisu  ay hada isku fahmeen bixinta mushaaraadka Ciidamada Uganda ee Somalia ku sugan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here