Wararka imaanaya deegaanka Dumaye degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in haatan uu deegaankaas ka socdo dagaal xoogan oo u dhaxeeya dad Xoolo dhaqato ah iyo Ciidamada Xarakada Al-shaabab.
Labada dhinac ayaa xiligaan isku adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan waxaase la ogeyn qasaaraha ka dhashay dagaalka maanta dib ugu qarxay deegaanka Dumaye degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.
Dagaalka maanta ka bilowday deegaanka dumaye degmada xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa kusoo beegmaya xili todobaadkii aynu soo dhaafnay Al-shabaab oo la wareegay halkaas iyo dad Xoolo dhaqato ah ay ku dagaalameen deegaankaas.
inta la xaqiijiyay dagaalkii maanta waxaa ku dhintay 12-ruux oo labada dhinac ah.
Dhanka kale Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Galmudug Mudane Maxamed Xaashi Cabdi Carabey oo ka hadlayey dagaal dhawaan dad deegaanka ah iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaano hoostaga degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa sheegay in shacabka ay ka caawin doonaan wax walbo oo Galmudug uga soo baahdaan.

