Kooxda Daacish oo Isku Fidineysa Meelo oo Ka Mid ah Deegaanada Maamulka Puntland

0

Kooxda Daacish ee dhawaan qabsatay deegaanka qandala ee gobolka bari saldhig weynna ku leh Buuraleyda Gal-gala ee Puntland ayaa waxaa ay bilaabeen isku fidinta deegaanno hor lejh oo ka tirsan gobolka Bari gaar ahaan deegaanno hoos-yimaada Qandala oo ay hadda gacant ku hayaan.

Warar idaacadda Simba ay ka heshay dadka deegaanka ayaa xaqiijinaya in ciidamo ka tirsan Kooxda Daacish Maanta barqadii lagu arkay deegaanka Balli-dhidin oo qiyaas ahaan dhwr KM u jira Degmada Qandala ee Gobolkaasi bari.

Ciidamo farabadan oo ka tirsan daacish kana kala yimid Degmada Qandal iyo deegaanada ku xeeran Buuraleyda Gal-gala ayaa la sheegy inay buux dhaafiyeen deegaanka Balli-dhidin ee gobolka Bari.

Saraakiisha Hogaamineysa dacish-ta qabsatay deegaankan ayaa u sheegay dadka deegaanka inay is dajiyaan iyagoona durbaba fariisinno ka sameystay deegaanka balli-dhidin,wararkii ugu dambeeyey ee halkaa ka imaanayana waxay ku waramayaan in Xaladdu ay daggantahay deegaankana ay ka jirto cabsi xooggan.

Dhinaca kale waxaa abaabul xooggan uu ka socdaa deegaanada  ku yaalla duleedka Degmada Qandala oo ay wadaan Ciidamada Maamulka Puntland iyo Ciidamo ajnabi ah oo ka tirsan Howlgalka NATO ee ku sugan Biyaha Soomaaliya,waxaana masuuliyiinta Maamulka Puntland ay ku hanjabeen dhawr mar in Daacish ay kaga saarayaan degmda Qandal iyo deegaanada Hoos-yimaada.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here