Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ugu baaqay Madaxda Maamul Goboleedyada dalka ka jira in ay dhaqan galiyaan heshiisyadii Madasha Wadatashiga Qaranka ay wada gaareen.
Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa tilmaamay in hadii hogaamiyayaasha Mamaul Goboleedyada dalka ka jira ay hareer maraan heshiisyadii lawada gaaray ay taasi keeni karo dacwado ,dood iyo waqti badan oo ka lumaa xiliga doorashada loo asteeyay.
Sidoo kale Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ugu baaqay Guddiyada doorashooyinka heer Federaal iyo Heer dowlad Goboleed In ay dardargaliayaan doorashooyinka dalka.
“Guddiyada aan u xil saarnay Doorashooyinka inay maamulaan iyo kuwa aan u xil saarnay Khilaafaadka Doorashooyinka ee heer Federal iyo heer Maamul Goboled, masuuliyada saaran inaysan dhinac uga leexan oo ay ku adadkaadaan, kalsooni badana ay qabaan iyo waxa ay ku dhawaaqaan inay meel maraan oo go’aanadooda ay meel maraan waan garab taaganahay, masuuliyiinta Maamul Goboledyada meelaha doorashooyinka ay ka dhacayaan, waxaan leeyahay wixii lagu heshiiyay yaanan la dhinac marin”, ayuu yiri Madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh maxamuud.

