Waxaa maanta magaalada kismaayo lagu soo gabagabeeyay doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka soomaaliya iyadona la dhameystiray dhamaan kuraasta jubaland ee gaareysa 43-kursi.
Waxaa maanta magaalada lagu doortay xildhibaanki ugu dnabeeyay eek amid noqonaya xildhibaanada jubaland.
Amaanka magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay iyadoona ciidamo badan maanta lagu arkayay xarumaha muhimka ah ee maamulka jubaland.
waxaa xildhibaanki ugu danbeeyay ee magaalada kismaayo lagu doortay maanta noqday Ibraahim Maxamed Xuseen.
Dhinaca kale waxaa magaalada kismaayo maanta gaaray wafdi uu hogaaminayay Ergeyga gaarka ah ee qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha soomaaaliya Micheal Keating.
Micheal Keating ayaa si weyn magaalada lagu soo dhaweeyay iyadoona haatan mr Keating uu kulamo la leeyahay madaxda maamulka jubaland oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha maamulkaasi axmed madoobe.

