Dhageyso:- Saraakiisha Koonfur-galbeed “Al Shabaab Waxan Ka Saareyna Gobolka Bay”

0

Saraakiisha ciidamada maamulka koonfuraglbeed ayaa sheegay in uu soconayo qorshe guud oo al shabaab lagaga saarayo gobolka bay.

Korneyl Muqtaar Max’ed Axmed oo ka mid ah  saraakiisha ciidamada maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay in ciidamada maamulka koonfurgalbeed ay dhawaan qaadi doonaan weeraro ka dhan ah al shabaab.

Taliyaha ayaa sheegay in al shabaab jab xoogan ay ku gaarsiiyeen dagaalki shaley ka dhacay deegaanka goofgaduud ee gbolka bay.

Korneyl Muqtaar ayaa waxa uu tilmaamay in ay ciidamadooda heegan u yihiin ka hortaga al shabaab oo uu sheegay in weeraro ay bilaabeen in ay soo qaadaan mudooyinki la soo dhaafay.

Al shabaab ayaa shaley waxa ay weerar xoogan ku qaadeen deegaanka goofgaduud iyadoona al shabaab ay qoorta ka jareen gudoomiyihii deegaanka goofgaduud oo ay la shabaab dagaalka ku qabteen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here